Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada New York si uu uga qayb galo furitaanka kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu gorfeeyn doono dagaalada ka socda Gaza, Ukraine, iyo Suudaan, arrimaha isbedelka cimilada, amniga caalamka, iyo dhibaatooyin sii kordhaya oo haysta hay’adda Qaramada Midoobay.
Kalfadhigan, ayaa ku beegan sanad guuradii 80-aad ee Qaramada Midoobay, hase yeeshee waxa uu imaanayaa xilli ay hay’adda caalamku wajahdo caqabado waaweyn. Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa digniin u diray in Qaramada Midoobay wajahdo “halis jiritaan” maadaama ay la daalaa dhacayso miisaaniyad yaraanta, daal ay muujiyeen deeq-bixiyeyaasha, iyo su’aalo ku saabsan awooddeeda ay ku wajihi karto khilaafaadka caalamka.
Goynta miisaaniyadda oo lagu qiyaasay $500 milyan ayaa halis gelin karta hawlgallada nabad ilaalinta iyo shaqaalaha, iyadoo la filayo in tiradoodu yaraato ku dhawaad 20%.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku hadli doona hadal kooban oo uu ku soo bandhigayo mudnaanta qaran ee Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayso dadaallada nabad ilaalinta caalamka. Waxa uu sidoo kale dib u xaqiijin doonaa taageerada Soomaaliya ee dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah, isagoo ku baaqi doona in si xooggan looga hortago musiibada bani’aadamnimo ee Gaza, halkaasoo in ka badan 63,000 qof lagu dilay tan iyo markii Israel weerarka bilowday 2023, faqriga nafaqo darraduna na u dishay boqolaal carruur ah.
Dhinaca kale, Muqdisho ayaa si adag uga hor-timid qorshayaasha Maraykanka iyo Israel ee ku saabsan in la geeyo qaxootiga Falastiiniyiinta ee barakacay Soomaaliya ama Somaliland, iyada oo arrintaas ku tilmaantay “nadiifin qowmiyadeed.”
Soomaaliya ayaa codkeeda ku dhawaaqay si xooggan oo ku saabsan colaadda. Bishii Agoosto, Wasiirka Arrimaha Dibadda Abdisalam Cabdi Cali ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “xasuuqyo” ka dhacay Gaza, asagoo ku baaqay in la joojiyo dagaalka shir ka dhacay Ururka Iskaashiga Islaamka ee Jeddah.
Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abukar Cismaan Baale, ayaa Golaha Ammaanka u sheegay in falalka Israel ay u dhigmayaan “dembi ba’an oo xasuuq ah,” isaga oo tusaale u soo qaatay isticmaalka gaajada oo ah hub dagaal.
Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweeyay qorshaha Faransiiska ee aqoonsiga rasmiga ah ee dowladnimada Falastiin, oo ay ku tilmaantay tallaabo geesinimo leh oo caddaalad ku wajahsan, isla markaana diidday qorshayaasha Maraykanka iyo Israel ee ku saabsan dib-u-dejinta Falastiiniyiinta.
Kalfadhiga Golaha Guud ee QM ee sannadkan ayaa la filayaa in uu diiradda saaro arrinta Falastiin.
Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya ayaa wada qabanaya shir heer sare ah oo looga hadlayo xal laba dowladood ah, halka dalal reer Galbeed oo ay kamid yihiin Kanada iyo Boqortooyada Ingiriiska ay qorsheynayaan inay aqoonsadaan Falastiin inta lagu jiro shirkan.



