CAIRO – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Wasiirka Gaashaandhigga Masar Jeneraal Abdul Majeed Saqr, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay ciidamo loo diyaariyay inay ku biiraan howlgalka Midowga Afrika ee taageerada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya (AUSSOM).
Munaasabadda oo ka dhacday xero militeri oo ku taalla Masar ayaa lagu muujiyay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas, kuwaas oo dhawaan la keeni doono dalka Soomaaliya, si ay dowladda Federaalka uga gacan siiyaan dagaalka ay kula wareegayso degmooyinka iyo deegaanada ku haray gacanta Al-Shabaab.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay faahfaahinta ku aaddan ka qeybgalka Masar ee howlgalka AUSSOM, kaas oo si rasmi ah u beddelay howlgalka hore ee ATMIS. Howlgalkan cusub ayaa diiradda saaraya xoojinta amniga inta lagu jiro marxaladda kala guurka, iyadoo si dhow loola shaqeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sida qorshuhu yahay, ciidamada Masar ayaa la dejinayaa saldhigyo ku yaalla aagga u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxay halkaas kala wareegi doonaan masuuliyadda amniga ciidamada Burundi oo qorshuhu yahay inay ka baxaan.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah iskaashi istiraatiiji ah oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, oo kala saxiixdey sannadkii 2024 heshiis dhanka difaaca ah iyo amniga, kaas oo xiriirkooda u qaaday heerkii ugu sareeyay”. Heshiiskaasi wuxuu kusoo beegmay xili Masar uu khilaaf kala dhaxeeyo Itoobiya, kaasoo salka ku haya webiga Niil.
Jeneraal Saqr ayaa munaasabadda lagu soo bandhigay Ciidanka ku ballanqaaday in Masar xoojin doonto taageeradda ku aaddan amniga Soomaaliya, isagoo sheegay in dalkiisu uu tababaro milatari, qalab iyo taageero farsamo siinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.



