Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay soo dhaweynta Markabka Oruç Reis + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay Dekedda Muqdisho oo lagu soo dhaweynayay Markabka ORUC REIS, kaas oo baaris ku sameyn doona shidaalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo dowladda Turkiga, gaar ahaan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen taageerada Soomaaliya.

Waxa uu xusay safarkii Madaxweyne Erdogan uu ku yimid Muqdisho xilli abaar daran ay ka jirtay dalka, markaas oo uu keenay gargaar bani’aadantinimo oo lagu badbaadiyay kumanaan qof oo Soomaali ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda marayso marxalad muhiim ah oo u baahan dhaqaale dib loogu dhiso,

“Iyada oo la is weydiinaayo Soomaaliya mala maalgeshan karaa; ayay walaalaheen Turkiga iyo madaxweyne Erdogan heshiis la galeen dowladda Soomaaliya, heshiiskani oo horseed u noqday in markabkan maanta ku soo xerto dekadda Muqdisho.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in intii markabka uu usoo socday Muqdisho ay jireen dhinacyo badan oo doonaya in ay wax ka ogaadaan fursadaha maalgelin ee Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay muujiyaan midnimo, ayna ka shaqeeyaan sidii looga faa’iideysan lahaa khayraadka dalka, oo uu ka mid yahay shidaalka.

Wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaalka ay Xukuumadda Dan Qaran iyo Baarlamaanka Federaalka ku bixiyeen ansixinta heshiiska dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga.

“Hadalkii ahaa ‘maalmaha wacnaa way soo socdaan’ bilowgiisii ayaan joognaa, kuwa aad u waaweynna way soo socdaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here