Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Tacsiyadeeyay Dadkii Ku Geeriyooday Dagaalka Gedo

0

Muqdisho, 12 Agoosto 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhowaan ka dhacay gobolka Gedo, isagoo muujiyay murugada uu ka qabo khasaaraha ka dhashay iska horimaadyadii dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda, isaga oo si gaar ah farriin ugu diray ciidamada Soomaaliyeed ee ka tallaabay xuduudda dalka deriska la ah ee Kenya, una sheegay in ay si degdeg ah ugu soo laabtaan deegannadoodii, isagoo ballan qaaday in aan cidna lagu qaadi doonin wax ciqaab ah, lana damaanad qaadayo badqabkooda iyo nabadgelyadooda.

“Ciidanka Soomaaliyeed waa in ay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo nabadda shacabka. Waxaan ballan qaadayaa in aan la ciqaabi doonin cidna, badbaado iyo xasiloonina loo suurogelin doono,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u gaarsiiso gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo dadka ay saameysay colaadda ka taagan gobolka Gedo, isaga oo carabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka la garab istaago xilli ay xaalad adag ku jiraan.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya gobolka in ay joojiyaan gacan ka hadalka, lana xalliyo khilaafka iyadoo la marayo wadahadal iyo xalal siyaasadeed oo waara.

May be an image of text

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here