Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geeridda Nabadoon Faarax Abdi Waare

0

MUQDISHO [SMN] – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Nabadoonku uu ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isaga oo door muuqda ka soo qaatay dadaalladii geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dib u heshiisiinta bulshada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here