Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khadka Taleeefanka kula hadlay Amiirka dalka Qatar

0

Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

 

Wadahadalkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo labada hoggaamiye ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar mowqifkeeda cad ee ku aaddan taageerada madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey taageerada joogtada ah ee ay Qatar siiso hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah.

Labada dhinac ayaa muujiyey rabitaankooda ku aaddan sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyagoo adkeeyey in iskaashiga istiraatiijiga ahi uu door muhiim ah ka qaadan karo horumarka iyo xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here