MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galabta khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Rajab Dayib Erdogan.
Wadahadallada labada hoggaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka Geeska Afrika iyo xaaladda guud ee caalamka.
Madaxweyne Erdogan ayaa mar kale muujiyay sida ay dowladda Turkiga uga go’an tahay taageerada horumarineed ee Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in Turkigu garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada dimuqraadiyadda, dib-u-dhiska, iyo la dagaallanka argagixisada.
Sidoo kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in labada dal uu ka dhaxeeyo iskaashi miro-dhal ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo kalluumeysiga, kuwaas oo ay doonayaan in la sii xoojiyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada hagar la’aanta ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sal adag leh.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Erdogan ayaa u diray salaan iyo bogaadin gaar ah Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda soo socota ee Ciidda Carafo awgeed, isaga oo u rajeeyay nabad, barwaaqo, iyo midnimo.



