Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad Taariikhi ah ka Jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika

0

Addis Ababa — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika, isaga oo uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dimuqraadiyeynta, midnimada qaaradda, iyo difaaca madaxbannaanida Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta wadashaqeynta Afrika, iyadoo si gaar ah u tilmaamay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda codka Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika kalsoonida ay siiyeen Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee sannadaha 2026–2028.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu xusay in doorashooyinkii qof iyo cod ee ka dhacay Gobolka Banaadir ay yihiin guul taariikhi ah, ayna yihiin horumar muhiim u ah dowlad-dhisidda dalka,” ayuu qoraalku sheegay. Waxa uu intaa ku daray in dowladda ay diyaargarow u wado balaarinta hanaanka doorashada tooska ah ee dalka oo dhan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si xooggan uga hadlay tallaabooyinka ay dowladda Israel ku faragelisay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waxa uu uga mahadceliyay dalalka Midowga Afrika taageerada ay ku muujiyey diidmada xadgudubyadaas, isaga oo tilmaamay inay muhiim u yihiin ilaalinta sharafta iyo midnimada dalalka African-ka ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan dalalka Afrika inay sii xoojiyaan midnimada, wada-shaqeynta, iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka ka jira qaaradda, isagoo carrabka ku adkeeyay in madaxbannaanidu ay tahay tiirka iskaashiga iyo horumarka mustaqbalka Afrika.

May be an image of dais and text that says "SOMALIA"May be an image of crowd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here