Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeer Ku Tagay Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka DF

0

Dhuusamareeb – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehlinayey Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb.

 

Madaxweynaha ayaa warbixin qoto dheer ka dhageystay Taliska Qaybta iyo saraakiisha hoggaamisa ciidamada, taasoo ku saabsanayd dib u habaynta ciidanka, qaab-dhismeedka, hannaanka shaqo, iyo qorsheyaasha hortabinta leh ee lagu xoojinayo hawlgallada dib u xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kula dardaarmay ciidamada in ay labalaabaan dadaalkooda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka socdaan howlo dib u dhis casri ah.

Madaxweynaha ayaa si weyn u bogaadiyey mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha shirkadda gacanta ku haysa mashruuca, isagoo tilmaamay muhiimadda uu garoonkani u leeyahay isku xirka Galmudug iyo dalka intiisa kale.

May be an image of 6 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 13 people and text that says "DHUUSAMAREEB COMMAND CENTRE"May be an image of 5 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 12 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here