Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Itoobiya + Ujeedka

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay kulamo ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

 

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Axmed Madoobe oo madaxweyne Xasan uga warbixiyay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay saameyntii ka dhalatay fatahaadihii iyo daadadkii xooganaa ee dhowaan ku dhuftay gobollada Gedo iyo Jubooyinka.

Intaas kadib waxaa goobta ka hadlay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inuu dhowaan booqasho ku tegayo magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Addis Ababa uga qayb-galayo saddex shir oo muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madaxda gobolka.

Xasan Sheekh ayaa soo hadal xiisadda badda, wuxuuna sheegay in mowqifka Soomaaliya uu weli sidiisii yahay, isla markaana ay fagaare kasta ka sheegi doonaan xadgudubka Itoobiya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo muddooyinkii dambe ay cirka isku sii shareereysay xiisadda diblumaasiyadeed ee labada dal, taas oo dhalatay heshiiska badda ee horraantii bishii hore wada gaareen madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here