MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15-ka Bishan u safri doona Magaalada Laascaanood ee Xarunta Maamulka Waqooyi Bari si uu uga qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha Maamulkaasi.
Ilo lagu kalsoonaan karo oo Villa Soomaaliya Ka tirsan ayaa Shabeel u sheegay in ay xaqiijinayaan uu Hogaaminayo Madaxweynaha ay bixin doonaan Maalinta Khamiista.
Madax kale oo iskuulada furan iyo maamulgoboleedyadda ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona Caleemasaarka Madaxweyne Cabdiqaadir Aw-Cali Firdhiye.
Safarka Madaxweynaha ayaa imaanaya kadib aqoonsiga Israel siisay Somaliland, oo horey u maamuli jirtay deegaanada SSC Khaatumo, halkaasoo hadda laga dhigay maamul Federaal ah.




