Laasacaanood – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo kala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.
Madaxweynaha ayaa Odeyaasha Dhaqanka ku bogaadiyey kaalinta mugga leh ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu si gaar ah u adkeeyey in midnimada iyo wadajirka bulshada ay yihiin tiirarka aasaaska u ah dowladnimo waarta, nabad iyo horumar.
Dhankooda, Odeyaasha Dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey dadaallada uu hormuudka ka yahay ee la xiriira dhismaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari. Waxay sidoo kale muujiyeen dareen qaranimo iyo go’aan adag oo ku aaddan in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo adkeynta wada noolaanshaha bulshada.





