MUQDISHO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo uu xalay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud la qaatay wasiirka maaliyadda, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in kulanka oo saacado badan qaatay diiradda lagu saaray jahwareerka ka jira wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan doodda ka dhalatay xilka qaadis uu saacadihii la soo dhaafay sameeyay wasiirka maaliyadda.
Wasiir Cilmi Nuur ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in uu xilalakii uga qaaday xisaabiyaha guud iyo sidoo kale agaasimaha guud ee daqliga ee Wasaaradda Maaliyadda.
Shaqo joojinta labada mas’uul ayaa salka ku haysa amar diido, wada-shaqeyn la’aan iyo caqabad ay ku noqdeen hannaanka lagu maamulo qarash bixinta dowladda ee SFMIS, sida lagu yiri warqadda shaqada looga joojiyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo warramayaa in wasiirka uu amray inuu xalliyo arrintaasi, sii loo sii wado howlaha shaqo ee wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku howlan ka dagaallanka musuq-maasuqa, kaas oo lagu soo eedeeyay illaa 18 mas’uul oo sagaal ka mid ah lasoo xiray, halka sagaalka kalena ay baxsad ka yihiin cadaalada, sida uu shaaciyay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud.