Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway

0

OSLO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay kulan ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway ku soo taageerayaan wax qabadka dowladda iyo qorshaha cirib-tirka kooxda Al-Shabaab.

 

Madaxweynaha oo munaasabadda mahadcelinta iyo soo dhoweynta ah ka hadlay ayaa la wadaagay guulaha laga soo hooyay xasilinta dalka, dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha nolosha.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Norway ay Soomaaliya soo garab qabatay xilii xasaasi ah, wuxuuna xusay in ay gacan weyn ka geysatay arrinta deyn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway usoo jeediyay in dedaalladooda ku aaddan taageerada dowladda ay sii laba laabaan isagoo kula dardaarmay dib usoo kabashada dalkoda ay ka qayb qaataan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka lagula jira khawaarijta uu meel fiican marayo, isagoo ugu mahad celiyay shacabkii ka dhiidhiyay dhibaatada nabad-diidka, wuxuuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lasoo afjari doono kooxaha argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here