Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, iyaga oo ka wada hadlay ilaalinta gobannimada, midnimada dalka, iyo qorshaha dowladda ee ka hortagga xadgudubka ka dhanka ah dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ku kacay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda, oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed, ay dadaal xoogan ku bixisay ilaalinta qarannimadda iyo midnimada dalka, iyadoo u maraysa xeerarka caalamiga ah.
Waxa uu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si mideysan looga hortago damaca gurracan ee wiiqaya jiritaanka iyo amniga dalka.
Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi-bari iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, oo kulanka ka qayb galay, ayaa adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqibka aan la mahdin karin iyo culeyska amni ee tallaabadaasi u horseedi karto gobolka, iyagoo caddeeyay sida ay ugu garab taagan yihiin Madaxweynaha dadaalada diblomaasiyadeed ee gudaha iyo dibedda uu ka wado.




