Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto

0

Nairobi, Kenya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Mudane William Ruto.

Kulanka ayaa dhacay xilli uu safar tacsi ah ugu joogay magaalada Nairobi kadib geeridii Raiisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Amolo Odinga.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo iskaashiga gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Ruto soo dhoweynta diirran iyo taageerada Kenya ay u muujiso Soomaaliya xili dagaal kula jirto Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale muujiyay sida dowladdiisu uga go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal, isagoo ku ammaanay dowladda Kenya doorkeeda nabad-ilaalinta, gaar ahaan howlgalka AUSSOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here