New York – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada New York mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka, kuwaas oo uu ka mid yahay Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Marwo Allison Hooker, La-taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump, Mudane Massad Boulos, iyo Ku-xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.
Kulankan oo ka dhacay xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya ka qeyb galayo shirka guud ee Qaramada Midoobay, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay kor u qaadista xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, isaga oo xusay in xiriirkaasi uu yahay tiir muhiim u ah nabadda, xasilloonida, iyo horumarka gobolka Geeska Afrika.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wadahadlay:
- Joogteynta iskaashiga amni,
- La-dagaallanka argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab,
- Iyo taageerada Mareykanka ee horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa dhankooda soo dhoweeyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska, xasilinta dalka, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka ah, iyagoo ballan qaaday sii wadidda taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku xoojiso xiriirka ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, si loo gaaro horumar waara iyo xasillooni siyaasadeed.




