MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Villa Somalia ku martigelinaya saddex Madaxweyne maamul Goboleed xili cadaadis uga imaanaya Beesha caalamka, oo ku aadan qabashada Shir wadatashi heer qaran ah.
Madaxda Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ayaa ka qeybagalaya kulanka, iyadoo aysan goobjoog ahayn hogaamiyaasha Jubaland iyo Puntland, oo xiriirka horey ugu jaray dowladda Soomaaliya.