Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan furinta dagaaalka

0

JOWHAR (SMN)

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LABO MAALMOOD KU SUGAN SALDHIGGA MILATARI EE CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED EE DEEGAANKA WARGAADHI

Wargaadhi, Luuliyo 03, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulan kula qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin argagixisadu, isagoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here