Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay James Swan + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Ku-simaha cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna mudane James Swan.

 

Kulankan ayaa looga hadlay dardargelinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada bini’aadantinimada, nabadda, iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire James Swan la wadaagay dadaallada dowladdu ay ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibaadkiisa cusub.

Dhamaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here