DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug.
Madaxweynaha ayaa dhinacyadan kala hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay Shabaab iyo qorshaha dowlada ku gaarsiineyso adeegyo bulsho oo dhammeystiran.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixiso in gebi ahaan laga adkaado Al-Shabaab.
Waxaa kale oo uu ku bogaadiyay garab istaaga dadka deegaanka ee halyeeyada ciidamada qalabka sida.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saddex todobaad ku sugan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, isaga oo u tegay hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-