Madaxweyne Xasan oo Salaadda Ciida la oogay shacab Soomaaliyeed + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howlwadeennnada dowladda.

 

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo ku howlan xaqiijinta amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyey dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan taakuleynta dadka danyarta ah, isaga oo Alle ka baryey in uu dalkeenna ka yeelo nabad iyo barwaaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here