Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dastuurka cusub ee dhowaan la ansixiyay uu si cad u xoojinayo ilaalinta diinta Islaamka iyo qiyamka ku dhisan shareecada.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dastuurka uu ka kooban yahay qodobo dhowr ah oo lagu ilaalinayo diinta Islaamka, isaga oo xusay in diimo kale aan lagu faafin karin dalka.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay weli socdaan doodaha ku saabsan dib-u-eegista iyo wax ka beddelka dastuurka dalka, iyadoo dhinacyo kala duwan ay aragtiyo kala duwan ka muujinayaan qodobada cusub ee lagu daray dastuurka.
DAAWO.




