Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safay Tanzania si uu uga qayb galo shirka hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

0

Muqdisho/Tanzania – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u ku wajahan dalka Tanzania si uu uga qayb galo shir ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Bulshada Bariga Afrika.

 

Inta uu ku sugan yahay Tanzania, Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda ka soo qeyb galaysa shirka, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta xiriirada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyey si muuqata u xoojisay xiriirada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka qaaradda iyo kuwa caalamka, iyada oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee lagu xoojinayo nabadgelyada, horumarka, iyo saamaynta siyaasadeed ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here