Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Wada-hadal Taleefan Ugu Hambalyeeyay Dhiggiisa Dalka Yugaandha

0

Muqdisho —   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta wada-hadal taleefan la yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Yugaandha, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhiggiisa Yugaandha ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa, kaddib guushii uu ka gaaray doorashooyinkii dhawaan ka dhacay dalkaasi, isaga oo u rajeeyay in muddada xil-hayntiisa uu dalkiisa ku hoggaamiyo nabad, xasillooni, iyo horumar waara.

Intii uu socday wada-hadalka, labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yugaandha, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo iskaashiga danaha guud ee labada shacab.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dalalka gobolka, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga gobolka si loo xaqiijiyo nabad iyo horumar waara.

Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku guuleystay markiisii toddobaad oo xiriir ah doorashadii dhacday 15-kii bishan ee ka qabsoontay dalka Yugaandha, doorashadaas oo mucaaradku ku tilmaameen mid ay hareeyeen eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyo habraacyo aan hufnayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here