Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray geerida ku timid Prof Tuuryare

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Prof Maxamuud Macallin Cali Tuuryare.

 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu ahaa aqoonyahan ku xeeldheer Qaanuunka Caalamiga, isagoo ummadda Soomaaliyeed si mutatawacnimo iyo hufnaan leh ugu soo adeegay aqoontiisa iyo khibraddisa sharci, gaar ahaan kobcinta aqoonta, dhisidda garaadka da’yarta iyo kor u qaadidda fahamka bulshada ee nidaamka dowladnimada casriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here