Madaxweyne xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiiro cusub

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danijirenimo ka guddoomay Safiirrada Lix dal, kuwaas oo Soomaaliya ay u soo magacaabeen dalalka Guinea, Ireland, Romania, Spain, Switzerland iyo Zambia.

 

Danjireyaasha causub ee Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1. Nounke Kaba, Safiirka Jamhuuriyadda Guinea
2. Caitríona Ingoldsby, Safiirka Ireland
3. Julia Pataki, Safiirka Romania
4. Cristina Díaz Fernández-Gil, Safiirka Boqortooyada Spain
5. Mirko Giulietti, Safiirka Switzerland
6. Rose Sakala, Safiirka Jamhuuriyadda Zambia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Safiirada cusub ku soo dhoweeyay Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka ay metalaan, isaga oo u sheegay Danjireyaasha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay iskaashi dhow la yeelato dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.

Safiirada cusub ayaa dhankooda tilmaamay in ay xooga saaridoonaan horumarinta xiriirka labada dhinac, iyaga oo uga mahadceliyey dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran iyo qaabilaadda wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here