Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay xal u noqon kartaa cunto-yarida Afrika”

0
Somali president Speaking at the Second United Nations Food Systems Summit Stocktaking Moment (UNFSS+4), underway in Addis Ababa.

Addis Ababa — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay Shirka Caalamiga ah ee Qiimaynta Horumarka Nidaamyada Cuntada ee Qaramada Midoobey (UN Food Systems Summit), kaas oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay madasha, isagoo si qoto dheer u dul istaagay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagu wajahayo caqabadaha cunto-yarida, isbeddelka cimilada iyo horumarinta nidaamyada cunto ee waara.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay in Soomaaliya ay si weyn u saameeyeen abaaraha soo noqnoqda iyo isbeddelka cimilada, taasoo sababtay in malaayiin qof ay la tacaalaan xaalado cunto-yari iyo nolol adag.

Wuxuuna adkeeyay in horumarinta nidaamka wax-soo-saarka dalagga iyo xoolaha ay tahay mid laf-dhabar u ah mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed.

“Istaraatiijiyadda Horumarinta Beeraha, waxay si cad u qeexaysaa ahmiyadda ay leedahay hagaajinta maamulka, kordhinta wax-soosaarka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga beeraha, iyo xoojinta awoodda hay’adaha,” ayuu yiri Madaxweynaha. “Beeruhu ma ahan oo kaliya in ay dadka quudiyaan, balse sidoo kale waxay abuuraan shaqooyin, xoojiyaan nabadda, waxayna Soomaaliya u diyaarinayaan mustaqbal ifaya.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay doorka Qorshaha Qaran ee Dib-u-dhiska (National Transformation Plan), kaas oo si gaar ah u dhiirrigelinaya wax-soo-saarka gudaha, kobcinta dhaqaalaha miyiga, iskaashi xooggan oo u dhexeeya dowladda iyo ganacsatada, iyo dhisidda nidaamyo suuq-geyn ah oo kor u qaadaya isku xirnaanta beeraleyda Soomaaliyeed iyo suuqyada gudaha iyo kuwa caalamka.

“Sugnaanta cunnadu waa nabad dhisid; isbeddelka beerahana waa dhisidda qaran. Maalgashi kasta oo lagu sameeyo beeraha waa maalgashi lagu dhisayo nabad waarta iyo koboc dhaqaale oo loo siman yahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay xoojiyaan garab istaagga Soomaaliya, iyagoo taageeraya horumarinta kaabeyaasha wax-soo-saarka, dhaqaalaha cagaaran, iyo adeegsiga tiknoolojiyad casri ah oo wax ku ool ah si loo abuuro nidaamyo cunto oo waara oo ay shacabka Soomaaliyeed si buuxda uga faa’iidaystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here