MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo warsaxaafeed ka soo saaray dagaalka Puntland ay ku qaaday kooxda Daacish ayaa ku boggaadiyay maamulkaasi taallabada uu qaaday, isaga oo farriin u diray dowladda federaalka.
Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in tallaabada ay qaadeen ciidamada Puntland ay tahay mid xoojineyso halganka guud ee dalka lagaga sifeynayo wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada
“Dawladda Puntland waxaan ku bogaadinayaa isku duubnida ku aaddan howlgalkan ee ay muujiyeen ciidanka iyo shacabka oo garab taagan, aniga oo guul u rajaynaya geesiyaasha ciidamada ammaanka Puntland ee hoggaaminaya howlgalka, iyaga oo ku sugan furimaha dagaalka ka dhanka argagixisada” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.
Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay uga sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kooxda Daacish oo uu tilmaamay in halis ku yihiin jiritaanka dowladnimada iyo isirka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed oo uu ku booriyay inay u istaagaan sidii ay qayb uga noqon lahaayeen howlgallada xoreynta ee ka socda guud ahaan dalka.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Puntland ay u dhaqaaqday jihada dagaalka, waxayna ciidamadeeda isugu gaysay aagga dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka bilaabeen howlgal loogu magac daray Hilaac oo uu ujeedkiisu yahay in Daacish looga saaro saldhigyada ay ku leeyihiin godadka iyo buuraha boostooda.