Madaxweynihii Hore Farmaajo oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga

0

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay inuu kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka Dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

 

Farmaajo ayaa xusay in safiirku ku booqday hoyga uu ka deggen yahay magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee dalka, iyo sidii loo xoojin lahaa kobcinta maalgashiga.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale bogaadiyey xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isaga oo ku ammaanay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay mar walba u muujiso Soomaaliya.May be an image of one or more people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here