Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo Ubax dhigay Taalladda xuska 25-guurada Shirkii Carta

0

Carta, Jabuuti – 30 Oktoobar 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta si wadajir ah uga qayb galay munaasabadda xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta, shir taariikhi ah oo horseeday dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

 

Labada Madaxweyne ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Taaladda Nabadda Soomaalida, oo ah madxaf casri ah oo laga hirgeliyay magaalada Carta, kaas oo lagu keydiyay taariikhda iyo xogtii shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee halkaas ka dhacay sanadkii 2000.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin sar sare oo ka socday labada dowladood, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, siyaasiyiin, madax dhaqameedyo iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Intii ay socotay munaasabadda, labada Madaxweyne ayaa xusay muhiimadda uu shirkii Carta u lahaa soo celinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo bogaadiyay kaalinta ay Jabuuti ka qaadatay dib u heshiisiintii Soomaalida iyo dadaalka ay mar walba ku bixiso taageerada walaalnimo ee ay u fidiso Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lahaayeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid walaaltinimo, dhaqan iyo masiir wadaag ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa hoosta ka xarriiqay in Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabad waarta, dowladnimo adag, iyo horumar mideeya shucuubta labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here