Magaalada Baraawe oo looga dhawaaqay guluf ka dhan ah Al-Shabaab

0

BARAAWE (SMN) – Taliyaha ciidanka milatariga ee ku sugan aagga magaallo xeebeedka Baraawe ee caasimadda Koonfur Galbeed, Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale (Xorogaay) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gobolka Shabeelaha Hoose ay ka bilaabi doonaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday inay duulaan ku yihiin meelaha ay joogaan xubnaha Al-Shabaab, isla-markaana ujeedkooda uu yahay in ka xoreeyaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maalmaha soo socda ay dhaqaaqi doonaan ciidamada, ayna isku xiri doonaan illaa gobolka Galgaduud oo haatan howlgallada xoogooda ay ka socdaan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo dhawaan la filayo in deegaanada Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga soo saaro saddexda gobol ee maamulkaasi Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Soomaaliya ayaa waxaa si guud uga socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka, si uu ula socda howlgallada, una dhiirageliyo ciidanka dowlada iyo kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here