MUQDISHO, 23 Nofembar 2025 — Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, kaas oo sanadkan diiradda ku saaraya hal-ku-dhegga “Caddaalad Loo Dhan Yahay.”
Shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galaya masuuliyiinta garsoorka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka yihiin wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah, quburo, iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta soo xiraya shirka, kaas oo xooggiisa lagu falanqeynayo xoojinta madaxbannaanida garsoorka, kor u qaadista isla xisaabtanka, iyo dhisidda kalsoonida shacabka ee hay’adaha caddaaladda.
Shirweynaha waxaa sidoo kale lagu darsaday talooyin iyo aragtiyo lagu horumarinayo adeegga garsoorka, si uu u noqdo mid hufan, loo siman yahay, loona dabbaqo mas’uuliyad iyo caddaalad dhab ah oo ay bulshada Soomaaliyeed helaan.




