Sawirro: Mahad Salaad oo la kulmay aqoonyahanada kasoo jeeda Galmdug

0

MUQDISHO (SMN) – Qaar ka mid ah Maamulka, Macalimiinta Jaamacadaha iyo schoolada dalka ee ka soo jeeda Galmudug oo kulan la qaatay Murasharrax Madaxweyne Mahad Maxamed Salaad.

 

Kulankaan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Musharraxa iyo bahda aqoonyahanada Galmudug ay isaga kaashan lahaayeen Nabadaynta iyo Horumarka deegaanada Galmudug.

Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa is waraysi kadib ballan qaaday in uu xiriir joogta ah iyo wada shaqayn la yeelan doono aqoonyahanka iyo Indheergaradka waqti badan galiyay garab istaagga bulshadooda.

Dhammaan dadkii kasoo qeyb galay kulanka ayaa ballan qaaday in ay garab taagan yihiin musharrax Mahad Maxamed Salaad si loo helo Galmudug nabad iyo barwaaqo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here