Dhaqtar iyo Macallin walaalo ah oo aano qabiil loogu dilay gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Dabley hubeysan ayaa xalay tuulada Ilix oo hoostegta deegaanka Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku dilay laba wiil oo walaalo ahaa.

 

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis ka yar Macallin Liibaan Xasan Cismaan.

Macallinka ayaa dhigayay dugsi lagu barto Qur’aanka Kariimka, halka Dhaqtarkana uu bartay daaweynta Ilkaha, isaga oo dhawaan uun booqasho u tegay halkaasi.

Maamulka deegaanka iyo ciidamada ammaanka oo iskaashanaya ayaa haatan wada baaritaano ku aadan falkaasi, si gacanta loogu soo dhigo dambiilayaasha oo baxsaday.

Gobollada Dhexe ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dilalka la xiriira aanooyinka qabiil oo weli xiisaddooda ay ka taagan tahay deegaano ak tirsan Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here