GAALKACYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay dil ka gaysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.
Maleeshiyaadka ayaa weerar ku qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa waddada Suufi Xalwo, waxayna goobta ku dileen laa dhalinyaro ah, ayaga oo kadib goobta isaga baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi dilka ah.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.
Gaalkacyo oo ay ka kala taliyaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa badanaa ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka magaaladaasi.