Hiiraan – Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda gobolka Hiiraan ayaa howlgal qorsheysan ku dilay hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo horey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ugu xukuntay dil toogasho ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda federaalka.
Hogaamiyaha la dilay ayaa lagu magacaabay Cali Axmed Qoyane (Cali Qoyane), waxaana lagu beegsaday howlgal ka dhacay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, oo kamid ah meelaha ay wali kooxda Al-Shabaab ku sugan tahay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Cali Qoyane lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidamada Macawiisleyda oo taageero ka helaya dowladda federaalka, iyadoo sidoo kale la laayay xubno kale oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab ee ka howlgala gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono khasaaraha iyo guulaha rasmiga ah ee laga gaaray.
“Howlgal si xeeladaysan loo abaabulay oo ka dhacay deegaanka Mabaax ayaa lagu dilay hogaamiye Cali Axmed Guure, oo loo yaqaan Cali Qoyane, kaas oo ahaa hogaamiye dhiig badan ku daadiyay gobolka Hiiraan,” ayaa lagu yiri warka dowladda.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada deegaanka iyo kuwa qalabka sida ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, ilaa laga xoreeyo dhamaan deegaanada ay weli kaga sugan yihiin gudaha dalka.
Macawiisleyda ayaa sanadihii dambe noqotay cudud muhiim ah oo ka barbar dagaalanta ciidamada dowladda, gaar ahaan gobollada dhexe, halkaas oo bulshada rayidka ah si iskeed ah isku abaabushay si ay isaga difaacdo hanjabaadda Al-Shabaab.




