WASHINGTON – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale xaqiijisay in ay ka go’an tahay in ay sii waddo dadaallada lagula tacaalayo kooxaha argagixisada ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya.
Waxaase ay si cad u sheegtay in la joogo xilligii beesha caalamka, gaar ahaan dalalka daneeya xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya, ay kordhin lahaayeen taageeradooda dhaqaale.
John Kelley, oo ah Wakiilka Kumeelgaarka ah ee Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa hadalkan ka jeediyay shir ka dhacay Golaha Ammaanka, isagoo tilmaamay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay weli tahay mid cakiran oo u baahan iskaashi dhameystiran.
Kelley ayaa si gaar ah u muujiyay muhiimadda uu leeyahay wada-shaqeynta u dhaxeysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, isagoo ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ah xasilloonida guud ee qaaradda Afrika.
“Waxaan aaminsanahay in dalalka ay dani ka hayso mustaqbalka Soomaaliya ay tahay in ay garab istaagaan dadaallada socda, gaar ahaan kuwa la xiriira dhaqaalaha,” ayuu yiri Kelley, isagoo hoosta ka xarriiqay in Maraykanku uusan ka harin taageerada uu siiyo hawlaha nabad-ilaalinta iyo la-dagaalanka argagixisada.
Sidoo kale, Maraykanku wuxuu ammaanay kaalinta Midowga Afrika uu ka qaato xoojinta amniga gobolka, isagoo sheegay in dalkiisu sii wadi doono garab istaagga hay’adaha iyo dowladaha ka shaqeynaya nabadda guud ahaan Afrika.
Dhinaca kale, Maraykanku wuxuu si xooggan ugu baaqay in la joojiyo colaadda ka aloosan dalka Suudaan, isagoo soo dhoweeyay dadaallada wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Lamamra, ee ku saabsan isku dubbaridka howlgallada hay’adaha sida UN, AU iyo IGAD.




