Mareykanka oo $10 milyan dul-dhigay hoggaamiyaha guud ee Al-Shabaab

0

WASHINGTON (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay siinayso lacag gaaraysa 10 milyan oo dollar cidDii soo sheegta halka uu ku sugan yahay hoGgaamiyaha guud ee Al-shabaab Axmed Diiriye oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Cubeyda.

 

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Abaalmarinta ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in Abuu Cubeyda uu hadda yahay hoggaamiyaha Al-shabaab, xilkaas oo uu qabtay kaddib geeridii hoggaamiyihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane.

Abuu Cubeyda wuxuu ka mid ahaa xubnahii la shaqeenaya Godane ka hor inta uusan dhiman.

Mareykanka ayaa hoggaamiyaha Al-shabaab la xiriiriyay weeraro ka dhacay Bariga Afrika oo ay Kenya ku jirto.

“Intii uu hoggaaminayay, A-shabaab waxay weerarro ka fuliyeen Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Jabuuti kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Khamiistii.

Ka hor inta aan la bedelin Godane, ayuu Mareykanku sheegay in Abuu Cubeyda uu kasoo shaqeeyay dhowr jagooyin oo Al-shabaab ah oo ay ka mid yihiin kaaliyihii Godane, guddoomiye ku xigeenkii gobolka Jubbada Hoose ee sanaddii 2008-dii, iyo guddoomiyihii Al-shabaab ee gobollada Bay iyo Bakool. Sanaddii 2009kii.

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horreysay ee uu Mareykanka lacag dul-dhigo madaxda sar sare Al-Shabaab oo haatan dagaal culus ay kula jirto dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here