Mareykanka oo 30 sano ku xukumay wasiirkii arrimaha gudaha Galmudug

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa dalka Mareykanka lagu xukumay Cabdi Yuusuf Xasan iyo Maxamed Tahliil Maxamed oo ah labo qof oo Soomaali ah kuwaas oo lagu helay dembi culus oo lagu soo eedeeyay.

 

Labada nin oo midkooda mar soo noqday wasiirka arrimaha gudaha maamulka Galmudug isla markaana haystay dhalashada Mareykanka ayaa ka dambeeyay afduub gudaha dalka Soomaaliya loogu geystay wariye u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Michael Scott Moore, waxaana ay ku haysteen gobolka Mudug muddo ku dhow saddex sano.

Cabdi Yuusuf Xasan oo 56 jir ah kuna noolaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo Maxamed Tahliil Maxamed oo 43 jir ah oo ku nool magaalada Muqdisho isla markaana soo noqday sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa labaduba lagu xukumay 30 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira afduub, argagixisanimo iyo hub sharci darro ah inay ka ganacsan jireen, iyadoo lala xiriirinayo burcadbadeeda.

Xeerbeegti ku sugan New York ayaa Xasan iyo Maxamed ay wariyaha Mareykanka ka afduubeen duleedka Gaalkacyo, isagoo kala degeen gaari uu saarnaa, waxaana lagu hayay 977 maalin goob burcadbadeeda uga afduubnaa badmaaxiyaal ajnabi ah, oo maraakiibta ay wateen lasoo afduubey.

Marka loo eego cadeymaha lasoo bandhigay intii ay socotay maxkamadeynta, iyo bayaannada laga soo saaray dacwadaha, labadan qof ayaa geystay falka afduubka Michael Scott Moore, oo ah wariye madax-bannaan oo Mareykan ah, kaasoo usoo safray Soomaaliya 2012 si uu u baaro burcad-badeedda iyo dhaqaalaha dalka.

Bishii September 2014 ayay sii daayeen wariyaha kadib markii ay ka qaateen lacag madax-furasho ah, oo wali cadadkeeda la shaacin. Wariyaha ayaa markii ku laabtay dalkiisa dacwad ka furtay kiiskiisa maadaama dadkii ka dambeeyay afduubkiisa ay ku sugnaayeen Mareykanka kuwaasi oo hadda min 30 sano oo xabsi ah lagu xukumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here