Mareykanka oo $5 milyan dul dhigay mid kamid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab

0

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, qaybta bixinta abaalmarinta caddaaladda loogu raadinayo dadka ay beegsadaan kooxaha xagjirka ah ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin dhan $5 milyan oo la siinayo qofkii bixiya macluumaad horseeda in la aqoonsado meelna lagu hubsada mid ka mid ah hoggaamiyayaasha al-Shabaab oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in Abuukar Cali Aadan uu yahay ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab, sannado bandanna uu soo ahaa madaxa milaariga ee al-Shabaab, yo madaxa Jabhadaha.

Bishii Jannaayo ee sannadkii 2018, ayaa Wasaarada Arrimaha Dibeddu ay Abuukar Cali Aadan ku dartay liiska waxa loogu yeero argagixisada.

Maraykanku waxaa sidoo kale uu sannadkii hore kordhiyey lacagaha abaal-marinta ah ee lagu doonayo labada hoggaamiye ee kale ee Al-Shabaab oo kala ah Axmed Diiriye iyo Mahad Karate oo Maraykanku sheegay midkiiba inuu ku bixinayo $10 milyan oo dollar.

Sannadkii 2008 ayaa Maraykanku uu Al-Shabaab u aqoonsaday inuu yahay urur aragagixiso ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here