Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii lagu dili rabey Madaxweyne Xasan Sheekh

0
Dowladda Mareykanka ayaa codkeeda ku biirisay dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ee cambaareeyay weerarkii Talaadadii lagu qaadey Kolonyo galbinaysay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh, kaasoo ay ku dhinteen dhowr qof oo suxufiyiin ay kamid ahaayeen.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay ku tilmaantay weerarka qaraxa loo adeegsaday mid argagaxiso oo la isku dayayo in Soomaaliya looga weeciyo wadada dib usoo kabashadda iyo xoreynta deegaanada ku jira gacanta Al-Shabaab.
Maraykanka ayaa tacsi u diray qoysaska dadkooda ay ku dhinteen weerarka, wuxuuna muujiyay taageerada buuxda ee shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan dagaalka Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida iyadoo u qaabilsan Soomaaliya iyo dalalka kale ee Bariga Afrika.

Dowladda Maraykanka ayaa mar kale caddeysey inay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, iyadoo muujinaysa sii joogtaynta taageerada adag ee ay siinayaan dadaalka lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Midowga Africa, Sacuudiga, Imaaraadka,  Ingiriiska iyo dowlado kale ayaa cambaareeyay qaraxii ka dhacay Ceel-Gaabta, oo lala damacsanaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta marayay. Madaxweynaha ayaa kusii jeeday jiidaha hore ee dagaalka xiliga weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here