WASHINGTON (SMN) – Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa Isniintii shalay cunaqabateyn ku soo rogtay shabakad caalami ah oo dhaqaale u uruurisa iyo lacag dhaqidda kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Cunaqabateynta ayaa lagu bartilmaameedsaday 16 hay’adood iyo shaqsiyaad ku kala nool gobolka Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Qubrus, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda maaliyadda Mareykanka.
Tallaabadan, ayaa daba socota cunaqabatayn Mareykanka uu saaray shabakad gaar ah oo xiriir la leh al-Shabaab bishii Oktoobar 2022, waxay xayirtay hanti kasta oo Mareykanka ka taallo, waxayna guud ahaan ka mamnuucaysaa dadka Mareykanka ah inay la macaamilaan.
Waxay dowlada Mareykanka sheegtay in Al Shabaab, oo u aragto koox argagixiso, ay soo gasho in ka badan 100 milyan oo doolar sannadkii, oo ay ku jirto lacagta ay ka qaado ganacsiyada maxalliga ah ee dalkaku yaalla.
Al Shabaab oo xiriir la leh Ururka Al Qaacidda, ayaa tan iyo sanadkii 2006 waxa ay waday dagaal ka dhan ah Dowladda Soomaaliya, iyo Ciidanka Midowga Afrika.
“Khatarta al-Shabaab kuma koobna Soomaaliya oo keliya,” afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Matthew Miller ayaa ku yiri sidaas qoraal uu soo saaray.
“Dakhliga Al-Shabaab waxaa loo qaybiyaa kooxaha kale ee xiriirka la leh al-Qaacida ee caalamka oo dhan waxayna gacan ka geystaan maalgelinta al-Qaacida,” ayay tiri dowlada Mareykanka, oo qeyb ka ah dagaalka ka socda Soomaaliya, iyadoo ka taageeraysa dowladda Federaalka wiiqida awooda Al-Shabaab.