Mareykanka oo cunaqabateyn saaray xubnihii ugu badnaa ee Shabaab

0

WASHINGTON (SMN) – Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabateyn ku soo rogtay 26 qof, shirkado xiriir la leh Al-Shabaab iyo Shabakad Dhuxusha si sharci darro uga dhoofisa dalka Soomaaliya, taas oo dakhli badan kasoo gala Al-Shabaab.

 

Cunaqabateynta, ayaa si gaar ah loola beegsaday hawl-wadeenno ku hawlan fududaynta dhaqaalaha Al-Shabaab iyo saraakiil, qaarkood xilal muhiim ah ka haya kooxda, kuwaasoo ku kala sugan Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Shaqsiyaadka katirsan Al-Shabaab ee Mareykanka Liiska madow ku daray ayaa kala ah:

1 – Hasaan Abshir Xuuroow, oo sirdoonka Al-Shabaab katirsan, sidoo kalena qaabilsana dhanka  aruurinta zakawaadka degaano kamid ah gobolka Jubada Hoose.

2 – Aadan Yusuf Saciid Ibrahim, oo ah sarkaal canshuuraha qaabilsan, gaar ahaan dhanka xoolaha, wuxuuna ka howlgalaa gobolka Shabeellaha Hoose.

3 – Mumin Dheere, oo horaantii 2022 soo noqday ku xigeenka gudoomiyaha degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa ka dambeeyay weeraro lagu qaaday ciidanka ATMIS, kuwa dowladda iyo garoonka diyaaradaha magaaladda Kismaayo.

4 – Macalin Burhan, oo ah hogaamiyaha garabka Xisbada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

5 – Ali Ahmed Hussein,  oo Al-Shabaab u qaabilsan dhanka aruurinta lacagaha qabaa’ilka degan Shabeellaha Hoose, wuxuuna sidoo kale ka shaqeeyaa soo iibinta iyo keydinta hubka Kooxda.

6 – Maxamed Cali oo ah taliye ka tirsan al-Shabaab oo xukuma 100 dagaalyahan.  Wuxuu la shaqeeyaa si dhaw Mumin Dheere, iyo hogaamiyeyaal kale, oo isaga ka sareeya.

7 – Ahmed Kabadhe, oo mar Al-Shabaab u noqday amiirka gobolka Jubbada Hoose ayaa dhamaadkii 2022 wuxuuu ku biiray guutada qaraxyada, isagoo maleegay dhowr weerar, oo is-miidaamin ku jiraan.

8 –  Siyaad Ayuto, oo horey usoo noqday amiirka xisbada Al-Shabaab gobolka Jubbada Hoose ayaa ka dambeeyay weeraro lagu qaaday magaaladda Kismaayo.

9 – Mohamed Abdullah Hirey, wuxuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay howlgalada gobolka Jubbada Hoose.

10 – Cabdi Roobow, Sarkaal kamid ah Al-Shabaab oo degaanka Wayanta madax uga ah, wuxuu qeyb ku lahaa abaabulka weerar ka dhacay Cabdala-Biroole oo kamid ah gobolka Jubada Hoose.

11 – Xasan Yariisow Aadan waa taliye ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna lacago ka qaadi jiray dadka deegaanka ee ku nool gobolka Shabeellaha Hoose, si loogu taageero Al-Shabaab.

12 – Siciid Cabdullaahi Aadan oo ah khabiir dhanka qaraxyada, oo sidoo kale dadka deegaanka ka soo qaada khidmadaha al-Shabaab.

13 – Sheekh Aadan Abuukar Malayle waa hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo dusha kala socda lacagaha laga qaado dadka deegaanka ee ku nool Shabeellaha Hoose. Lacagaha ayaa lagu iibiyaa hubka, rasaasta iyo saadka Al-Shabaab.

14 – Aadan Jiis waxa uu Al-Shabaab u yahay taliyaha Hisbada. wuxuu kale uu maamulaa xarun dadka lagu xiro.

15 – Cumar Guhaad waxa uu kamid yahay raga la cunaqabateeyay, waa hogaamiye Al-Shabaab uga howlgala gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna beelaha dega gobolka ku amraa inay bixiyaan lacago badan oo lagu taageerayo kooxda.

Waxaa sidoo kale liiska cunaqabateynta ku jira 7 hay’adood iyo afar qof oo dhoofiya dhuxusha, kuwaasoo gacan saar la leh Al-Shabaab, kuwaasoo kala ah; Ali Ahmed Naaji, Bashir Khalif Musse, Mariam Barre iyo Abdulwahab Noor Abdi.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in shaqsiyaadka ganacstada ah, shirkadaha iyo xubnaha Al-Shabaab ee 15ka gaaraya hanti hadii dibadda u taallo la xayiray, sidoo kalena ay ku jiraan liiska madow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here