Mareykanka oo digniin kasoo saaray xad-gudubka Itoobiya ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Molly Phee, oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Africa ayaa ka hadashay heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland kaasoo abuuray xiisad diblomaasi oo saameysay gobolka Geeska Africa.

 

Waxay sheegtay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay heshiiska badda Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, maadaama uu xad-gudub ku yahay madax-banaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya, sidoo kalena keeni karo colaad dhexmarta labada wadan ee deriska ah.

Waxay ka digtay cawaaqibka ka imaan kara tallaabooyin ay dhawaan qaadey dowladda Itoobiya ee faragelinta arrimaha Soomaaliya.

“Itoobiya xaq uma lahan inay ku xad-gudubto madax-banaanida Soomaaliya, waa inay badaha dalalka deris qaab ganacsi oo heshiis lagu yahay u isticmaasho, taasoo u ogolaanayo sharciga caalamiga ee wadamada aan badda lahayn, balse ma ahan inay boobto bad aysan lahayn, anaga waan kasoo horjeednaa midaas,” ayay tiri Molly Phee.

Waxay Molly Phee ugu baaqday dalalka Gobolka Geeska Africa – Kenya, Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya in ay kawada hadlaan, islamarkaana xal nabadeed u raadiyaan xaalad adag ee hadda jirta ee ka dhalatay heshiiska badda Somaliland.

Molly Phee ayaa ugu dambeyntii sheegtay in Mareykanka iyo dalalka kale ee caalamka wax shaqo ah ku lahayn nidaamka maamul iyo siyaasadda Soomaaliya, waxayna hoosta ka xariiqday in dowladda Federaalka ay mas’uul ka tahay dalka, islamarkaanka looga baahan yahay inay wadahadal ku xaliso arrimaha gudaha ka jira iyo qadiyada Somaliland.

Heshiiska is-afgarad ah ee la saxeexay 1-dii Jan. oo u oggolaanaya Itoobiy inay hesho 20Km oo bad ah, halkaasoo ay rabto inay ka samaysato saldhig ciidan iyo dekad ganacsiga uga soo dega. Heshiiskan ayaa ruxday Geeska Afrika, oo ka mid ah gobollada adduunka ugu xasilloonida xun.

Horaantii sanadkan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Soomaalida ugu baaqay “inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda hooyo”, iyadoo magaalada Muqdisho  iyo meelokale lagu qabtay dibadbaxyo looga soo horjeedo heshiiska.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa dagaal ku dhex maray sannadihii 1977-78, waxaana weli xiisaddu taagan tahay. Ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2006 si ay Muqdisho uga saarto Maxkamadihii, taasoo gacan ka geysatay soo ifbixii Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here