Mareykanka oo diiday in uu taageero howlgalka AUSSOM

0
Somalia and United States flags together textile cloth, fabric texture

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan taageeri doonin howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo horraantii sanadkan ka bilowday Soomaaliya.

 

William Pope, Safiirka Mareykanka ee Uganda ayaa sheegay in Mareykanka uusan diyaar u aheyn in uu taageero howlgalka AUSSOM, isagoona xusay in Soomaaliya aysan taagneyn marxalad keeni karta in dalka laga hirgeliyo qaraarka Golaha Ammaanka ee lagu dhisay howlgalka AUSSOM.

Wuxuu sheegaay in Mareykanka uu lacag dhan labo bilyan oo doolar ku bixiyay howlgalladii ka horeeyay kan, balse haatan aysan wax dhaqaale ah ku taageeri doonin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Howlgalka AUSSOM ayaa wajahaya dhaqaalo xumo tii ugu darneyd, iyadoo Midowga Yurub uu sheegay in uu dareemayo culays dhaqaale iyo mid farsamo, maadaama uu muddo dheer ahaa maalgeliyaha ugu weyn ee hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Midowga ayaa xusay in ay lagama maarmaan tahay in beesha caalamka si siman uga qeyb qaadato masuuliyadda hawlgalka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in waddamada saameynta laga filayo inay bilaabaan taageero dhaqaale si hawlgalka Soomaaliya uusan u istaagin.

Ugu dambeyn, Midowga Yurub wuxuu caddeeyay in dhaqaalo bixin oo keliya aysan ahayn xalka mustaqbalka Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in taageeradu noqoto mid wadajir ah oo waarta, wuxuuna ka digay in kaliya Yurub laga sugo garab istaagga hawlgalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here