Boosaaso, Soomaaliya — Ciidamada Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka magaalada Boosaaso, iyagoo bartilmaameedsaday kooxaha Dacish, sida ay sheegeen saraakiisha milateriga. Duqeymahan ayaa dhacay intii u dhexeysay 1–3 Janaayo 2026, iyada oo howlgalku yahay mid lagu taageerayo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu wajahayo kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.
Duqeymaha ayaa lagu beegsaday goob ku taalla Buuraha Calmiskaad, qiyaastii 70 kiiloomitir koonfur-bari u jirta Boosaaso ee gobolka Bari. AFRICOM (Amarka Ciidamada Mareykanka ee Afrika) ayaa sheegtay in la bartilmaameedsaday saldhigyo ay Daacish leeyihiin, isla markaana kooxda lagu gaarsiiyay khasaare kala duwan.
Tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump xilka la wareegay 2025, Mareykanku wuxuu ka fuliyay Soomaaliya in ka badan 100 duqeyn cirka ah, kuwaas oo lagu beegsaday ururada Daacish iyo Al-Shabaab, iyadoo la xoojiyay cadaadiska militari ee ka dhanka ah kooxahan. Dadaalladaasi ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si xooggan u wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka, iyada oo ay jirto taageero ciidan iyo mid farsamo oo ka imaanaysa saaxiibada caalamiga ah.
AFRICOM ayaa tilmaantay in ay sii wadi doonto tallaabooyinka militari ee ay la kaashanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo daciifiyo awoodda kooxaha halista ku ah amniga, gaar ahaan kuwa weerarada ku haya shacabka iyo goobaha istiraatiijiga ah.




