NAIROBI, Kenya – Iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa duqeyn cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay meel u dhow degmada Jilib, ee Gobolka Jubada Dhexe, Koonfurta Soomaaliya 17-kii bishan December.
War kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in hal dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeynta mana jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.
Wali lama sheegin magaca qofka duqeynta ku dhintay.
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inuu qaadayo tillaabooyin aad u wanaagsan si looga hortago waxyeelada rayidka marka duqeymaha noocan ah ka fulinayaan Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa weli fure u ah amniga Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa wada doona tababarada, la-talinta, iyo qalabeynta ciidamada Danab, si ay u wiiqaan awooda al-Shabaab.
Taliska Mareykanka ee Afrika, oo xaruntiisu tahay Jarmalka, ayaa saldhig ku leh gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Beleddoogle halkaasoo lagu tababaro askarta Danab, sidoo kalena ka duulaan diyaaradaha drones-ka duqeymaha ka geysta dalka.