Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ku dishay xubin ka tirsaneyd Kooxda Daacish oo dagaal kula jirta Ciidanka Maamulka Puntland.
Qoraal ka soo baxday Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo dhacday 11-kii bishan laga fuliyay degaan dhanka koonfur bari uga beegan Magaalada Boosaaso.
Taliska Africom ayaa sheegay in keliya ay dileen hal dagaal yahan oo ka mid ahaa Kooxda Daacish, islamarkaana aysan jirin wax khasaaro ah oo gaaray rayidka intii ay socotay duqeynta.
Wuxuu sheegay in howlgalkan fulintiisa ay kala kaashadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Duqeyntan ayaa imaaneysa iyadoo Ciidanka Maamulka Puntland ay guulo la taaban karo ka soo hooyeen dagaalka ay kula jiraan Kooxdan, waxaana ay gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla Buuraha Cali-Maskad ee Gobolka Bari.