MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa lagu sheegay in kadib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya ay saddex duqaymood oo is difaacid ah la beegsadeen Ururka Al-Shabaab.
Weeraradan dhanka cirka ah ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka degmada Afmadow, qiyaas ahaanna 105km dhinaca waqooyi ka xigta magaallo xeebeedka Kismaayo.
AFRICOM ayaa sheegtay in howlgalkan lagu taageerayey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay dagaal la galeen aAl-Shabaab.
Sidoo kale AFRICOM ayaa sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya lagu qiimeeyey in howlgalkan lagu dilay 10 ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana aan dad rayid ah waxba kasoo gaarin.
Shalay dowladda Soomaaliya oo dhankeeda ka hadashay weeraradan waxa ay shaacisay in lagu dilay illaa 40 ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib saddex howlgal oo ka dhacay halkaasi